February, 11-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta oo arbaco ah u kicitimay dalka Jarmalka, halkaasoo Madaxweynuhu baaritaan caafimaad ku mari doono muddo todobaad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu dambeysay oo meel faqaaro ah lagu arkay ay ahayd cashadii xalayRa’iisal Wasaaraha u sameeyay xubnaha Baarlamaanka, waxaana uu ka sheegay in aanu xiri doonin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka, isagoo u ambabixi doono Jarmalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu sii mari doono dalka Turkiga, maalinta berrina uga sii gudbi doono dalka Jarmalka.

7 cisho ayaa la sheegay in la seexin doono Isbitaal ku yaala Jarmalka, waxaa uu maraya baaris guud iyo mid gaar ahaaneed intaba.

Waa markii labaad oo Madaxweynaha baaris Caafimaad u aada dibadda, sanadkii hore dalka Turkiga ayuu Caafimaad u tagay hase yeeshe markan waa dalka Jarmalka.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6243
LATEST NEWS