February, 07-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay, kadib markii uu sheegay inaan lagala tashan.

C/raxmaan Dheere ayaa sheegay in habka loogu magacaabay xilka Wasiir kuxigeenka aysan waafaqsaneyn habka awood qeybsiga beelaha.

Sidoo kale C/raxmaan Dheere ayaa sheegay inuu la tashi la sameeyay siyaasiyiinta, xildhibaanada beeshiisa, kadibna uu iska casilay xilkaas sida uu yiri

C/raxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu si cad ugu sheegay inuu xilkaan ka tagay oo uu iska casilay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xilligan leh labo Wasiir kuxigeen, taasoo ah markii u horeysay ee ay Wasaaraddan yeelato Labo Wasiir kuxigeeno, inkastoo uu horay C/raxmaan Dheere u soo noqday Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadii R/Wasaare Saacid.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6155
LATEST NEWS