January, 21-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabada maalinta afka Soomaaliga la qoray, gaar ahaan maalintii u horeysay ee uu soo baxo Wargeys ku baxa Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanay Xafiisyada dowladda ku wada xiriiri karin luqad aan laheyn Afsoomaaliga.

Munaasabadan ayaa halku dhigeedu ahaa “Ka xorowga Afka Qalaad), isla markaana aheyd 43-guuradii ka soo wareegatay markii u horeysay oo uu Wargeys ku baxa afka Soomaaliga soo baxo ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, iyo Mas’uuliyiin kale.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay mamnuuc tahay in luqadaha kale ee ajnabiga ay ku wada xiriiraan xafiisyada hey’adaha dowladda.

“Laga bilaabo maanta 21 janaayo 2015 waxaa mamnuuc ah in xafiisyada dowladda luqada soomaaliga luqad aan aheyn inay ku wada xiriiraan, waa in wada shaqeyntooda ku saleysnaato Afka soomaaliga oo kaliya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii aanay jirin hey’adaha dowladda xiriir dibada ah oo dowlado lala macaamilayo in aan luqada afka qalaad la adeegsan karin, isagoo xusay in beryahan ay soo badatay in xafiisyada dowladda in luqado ajnabi waraaqadaha la isugu qoro.


Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa loo arkaa inuu wax ka tari karo soo nooleynta Afka Soomaaliga oo mudooyinkii u dambeeyay bur bur ku imaanayay, markii ay soo kordheen in dadka isticmaalaan adeegsiga luqadaha afka qalaad.

Munaasabada maalinta Warbaahinta Soomaaliya oo loo aqoonsaday 21-Janaayo markii u horeysay oo uu soo baxay Wargeys ku hadla Afsoomaaliga ayaa lagu qabtay magaalooyin ku yaal gobolada dalka iyo magaalada Nairobi, iyadoo munaasabadahaas looga hadlay xaalada wariyeyaasha Soomaalida.

xuska (1)xuska (2)xuska (3)xuska (4)xuska (5)xuska (6)xuska (7)xuska (8)xuska (9)xuska (10)

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS