August, 25-2014 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Marka hore waa tilaabo wanaagsan oo in muda ah la rajeynayay in mar un la heli doono Dowlad ku dhiirata ururinta hubka sida sharci daradaa ugu jira gacmaha Shacabka,Siyaasiyiinta, iyo Ganacsatada, si loo yareeyo qataraha ay sababi karaan hubkaasi,maadaama lagu daalay wax ka qabashada Amniga M/Xamar oo ah halka ay Madaxda dowladda iyo hey’daha Caalamkuba ku shaqeeyaan.waana suurta gal in ay dad badani is weydiiyaan hadii aan hubka la gurin sidee nabad lagu helayaa, waa sax laakiin waxaa haboon in hubka lagu qaado hanaan dagan oo qorsheysan oo ka soo fulay Hey'adaha dajinta iyo dhowrista Sharciyada dalka.


Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay soo dhow dahay sanad guuradoodii 3-aad, ayaa in badan waxaa lagu dhaliilayay in ay hogaaminayaan dowlad fadhiid ah oo aan wax badan ka qaban balamihii ay gashay xiligii doorashada oo ay ugu horeysay Xasilinta dalka, taasina waa midda sababtay in mudada ay shaqeyneyeen isbadal badan lagu sameeyay Madax dhowr ah oo loo magacaabay Hey’adaha Amniga.

Dhanka kale, Magaalada Muqdisho, oo ah magaalo murano badani ka dhashaan marka uu ka dhaco fal amaan daro ah, ayaa sababtay marar badan in la isku tuhmo sida falkaasi u dhacay, cidda fududeysay iyo agabka lagu fuliyayba, waxa ayna dhacdooyinka noocaan ahi noqdeen kuwa soo noq noqday oo ay kooxaha Mucaaradka ahi ku tijaabiyeen Xarun kasta oo miisaan culus u leh dowladda oo ku taala Caasimadda.

Inkastoo eedaha habaca Amaan daro ee laga dareemayo Xarumaha hey’adaha dowlada ee ay mucaaradku weeraraan lala wadaajin karo Ciidamada Amissom oo ah Ciidamo dhaqaale badan lagu siiyo sugidda dhismayaasha Madaxda dowlada iyo Hey’adaha Ajanibigu ay ku shaqeeyaan, hadana waxa aad moodaa in lagu eedeeyo Madaxda Dowladda Soomaaliya oo qura, gaar ahaan masuliyiinta markaa ku magacaaban xilalaka Amaanka.

Sida la wada ogyahayna marka uu fal dhaco tilaabooyinka madaxdeena looga bartay waa Cambaareyn iyo Xil ka qaadis ay ku sameeyaan Madaxda Amniga,xataa hadii ay yihiin madax waajibaadkooda gudanya balse ku shaqeynaya dal aan xasilooneyn si loo qanciyo bulshada,taana waxaad moodaa in ay tahay fursado dhowr jeer horay loo isticmaalay oo lagu daalay, sidaa daraadeedna in badan laga sugayay in ay Dowladu la timaado hanaan kale oo ka duwan kuwii hore oo wax looga qaban karo Amniga.

Waxaa hadaba baryahaan Magaalada Muqdisho ka bilowday dhaqdhaqaaq ka duwan sidii hore ee amaanka loo sugi jiray,waana tilaabo loo xaglinyo fulintooda Madaxda cusub ee dhawaan loo magacaabay Hey’adaha Amniga, balse halka uu ka soo fulay amarka IYO ujeedadada ka danbeysaba lagu kala aragti duwan yahay,waxaana lagu dhiiraday ficilo horey looga xishoon jiray ama looga baqayay awood yari dowladeed .oo ah in hub ka dhigis lagu sameeyo cid kasta oo gacanta ku heysa hub aan sharciyeysneyn.

Waxaa ilaa iyo hada la qaaday howlgalo lagu beegsaday Madax kala duwan oo hub ku heysatay gudaha Muqdisho, waxaana qaarkood loo taxaabay xabsi,halka kuwa kalena la sheegayo in iminka la qorsheynayo qaabkii loo wajihi lahaa hub ka dhigistooda,inkastoo la soo bandhigay hub laga soo qaaday goobaha ilaa iyo hadda laga howlgalay, hadana waxaa jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad rayid ah oo ka ag dhawaa madaxda la weeraray, sidoo kale waxaa ka abuurmay in ay bulshadu ka bixiso aragtiyo kala duwan, habka uu ku bilowday howlgalka hub ka dhigista loogu wan qalay.

Waxaa jira Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano dowladda ku dhaliilaya in ay talaabadan ka horeysay marka hore in Dalka oo dhan Dib u hishiisiin laga hir galiyo.In la hagaajiyo Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo in la helo dowlad damaana qaadi karta Amaanka dadkeeda,hadii kale ay howshu u muuqaneyso in hubka laga dhigayo oo qura Siyaasiyiinta,Ganacsatada iyo shaqsiyaadka loo arko in ay ka hor imaan karaan Siyaasadda 2016-ka ay rabaan in ay dalka ka cayaaraan Madaxada haatan lagu tuhmayo amarka lagu gurayo hubka, halka ay taa badalkeeda jiraan Waxgarad iyo Aqoonyahano kale oo u arka in ay tilaabadani tahay mid lala soo daahay oo wax weyn ka tareysa Amaanka iyo Dowladnimada loona baahan yahay in la sii wado.

Sidoo kale , waxaa jira su’aalo ka dhashay howlgaladaan oo si weyn la iskula dhex qaadayo, sida waxa sababay in la beegsado shaqsiyaad gaara, xili aanuu jirin sharci ama xeer Hub ka dhigista qeexaya oo ay xukuumadu diyaarisay ama ay ansixiyeen golaha Baarlamaanku,Yaa damaanad qaadaya amaanka dadka hubka laga qaadayo maadaama ay dagaalo dalka ka socdaan, iyo in hubkoodu gali doono gacan amaana oo lagu kalsoon yahay, howlgal kanise ma mid ku kooban M/Muqdisho oo kaliyaa,mise waa mid saameynaya Soomaaliya oo dhan maadaama hubku yaalo meel kasta oo dalka ka mid ah,dadka rayidka ah ee dhimashada ,dhaawaca iyo qasaaraha hantiyeed ay ka soo gaartay howlgaladii dhacay maxeey dowladu u qorsheysay in ay kula xaasho ama ku xaliso. sidee looga fogaan karaa in aaney sababin howlgaladu qasaaro soo gaara dadka Rayidka ah,Iyo su’aalo kale oo ay muhiim tahay in ay Dowladda Federaalku ka bixiso jawaabo waafiya oo cad cad.

2006-dii ayey aheyd markii ugu horeysay ee Muqdisho lagu arkay howlgalo ka dhashay kacdoon shacab oo hubka looga dhigayo Hogaamiye kooxeedyo mudda dheer ka talinayay Caasimadda iyo meelo kaleba,ka dib markii ay sameysteen Isbaheysi dhaxal siiyay in lagaga awood roonaado dagaal muddo kooban socday lagalana wareego hubkii ay lahaayeen, waloow la oran karo ma aheyn taasi Hub ka dhigis ku timid qorshe iyo aragti maamul oo mideysan,hadana waxa ay waqtigaa maamulkii Maxkamaduhu la wareegeen hub aad u tira badan oo la wada ogyahay maanta sida loo maamulay iyo halka ay ku danbeeyeenba.

Inkastoo howlgalkani uusan ahayn mid ku yimi kacdoon shacab, ee uu yahay mid ay fulineyso dowlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay, hadana ma ahan mid sahlan, waayoo waxaa lagu dhiiraday waqti adag oo aan la is aamin saneyn, dalkana weli ay ka socdaan dagaalo,isla markaana aaney jirin dowlad si buuxda uga wada talisa dalka oo dhan,dhanka kalena aaney jirin kalsooni badan oo ay isku qabaan dadkii ay wax kala gaareen 24-kii sano ee la hardamayay.

Dad badani waxa ay qabaan in Soomaalidu tahay dad ku shaqeeya laab lakac iyo sal fudeyd,sidaa daraadeedna ay iminka howsha Hub ka dhigista ah ee la bilaabay qudheedu ka mid tahay howlaha ku bilaawday sida laab lakac ah ee aan dhameystirka yeelan doonin, hadiise ay dowladdu ka dhabeyso siina wado arinkaan waxa ay wax badan ka tari doontaa xasilinta Amniga,maadaama hubku ku soo hari doono gacmaha Dowladda iyo kan Al-shabaab, halka ay iminka dhinacyo badan ku wada heystaan gudaha Caasimadda.markase laga baaqsado sii wadida mashruuca hub ka dhigista ah ee iminka bilowday oo ka xasaasisan howlo badan oo qabyo looga tagay, waxaa hubanti ah in ay imaan doonto in la is tuhmo dabadeedna ay abuurmaan shakiyo badan oo wax u dhimi kara mustaqbalka wax ka qabashada Amniga Dalka.

DH A M A A D.//

W.Q. Abdukadir Dulyar

Dulyar23@gmail.com

Muqdisho/Somaliya


Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6243
LATEST NEWS