August, 22-2014 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Hordhac:-Qeexidda Saxaafadda :Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo, khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida:


idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda.

Saxaafaddu waa adeeg lama huraan ah oo wax-tar weyn u leh horumarka bulshadda.
Warbaahinta run sheegga ku dhisan waa mida u adeegaysa kobcinta dimuquraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, horumarinta dalka iyo hirgelinta mabaadi’da ku dhisan cadaaladda.

Maadaama Saxaafaddu tahay mid u adeegta dadweynaha, waa in ay lahaato xeer iyo xeer nidaamiye. Saxaafaddu waxey ka qeyb qaadataa horumarka, nabadgelyada, kala dambeynta, isqadarinta, cadaaladda iyo nabad kuwada noolaanshaha. Dhanka kale saxaafadda waxaa ka reebban been abuurka, hurinta colaadaha, is naceybka, dacaayadda aan salka laheyn iyo marin habaabinta xaqiiqada/runta.


Xorriyatul qowlka (Madaxbanaanida hadalka) waxey aas-aas u tahay cabiridda fikirka iyo run sheegidda, waana mid ay aqoonsanyihiin dastuurka qaranka, xeerarka caalamiga ah ee xaquuqul insaanka.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay damaanad qaadday oo ay ogoshahay heshiiyada lasoo sheegay, waxayna dhiirigalinaysaa xorriyadahaas, iyadoo lagu shaqeynayo dastuurka dalka u degsan.

Haddaba Xeerkan wuxuu qeexayaa shuruucda u degsan saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed.

Qodobka 1aad

Eray-bixin

1.1 Erayada hoos ku xusan mid kasta wuxuu leeyahay eray-bixinta ku hor qoran:
Guddi: Guddi waa Guddiga Saxaafadda Qaran ee lagu dhisay Qoddobka 4aad ee Xeerkan.
Saxaafadda Ajnabi: Saxaafad ajnabi waa saxaafad Milkayaddeeda ay leeyihiin dad aan Soomaali ahayn.

Wasiir: Waa Wasiirka Warfaafinta.
Wasaarad: waa Wasaarada Warfaafinta.

Warbaahinta: Warbaahintu waa saxaafad lagu gudbiyo Barnaamij warbaahineed, iyada oo la adeegsanayo qalab ay ka mid yihiin warlalis ama satalaytka, si ay barnaamijyadaasi uga faa’iideystaan bulshadda,waxayna ahaan karaan lacag la’aan iyaga oo la soo marinayo idaacadaha iyo telefeshinada ama qalabka kale ee warbaahinta, balse warbaahintu kuma jirto fariimaha hay’ad ama shirkad gudahooda ay isugu diraan, sida cinwaanada gudaha ama macluumaad lagu faafiyey baraha internet-ka.

Warbaahinta Daabacan: waa warbaahinta lagu faafiyo qaabka qoraalka ah, sida wargeysyada, majalladaha, iwm.

Warbaahinta gaarka ah: waa warbaahin ay leeyihiin dad ama hay’ado gaar ah.

Warbaahinta dadweynaha: waa warbaahin ay yeelan karaan dadweynaha, balse ka madaxbannaan Dawladda, lehna waajibaad ay uga shaqayn karaan danaha dadweynaha.

Noocyada warbaahinta: waa kala soocida rasmiga ah ee saxaafadda (sida Wargeysyada, Majalaadka, idaacadaha ama Telefishanada), muddaale (todobaadle, bille, iwm) dulucda guud ee ay soo bandhigaan iyo meelaha ay gaaraan.

Saxaafad ama Warbaahin: Saxaafadda waa habka baahinta fariimaha, wararka, akhbaaradka iyo xogaha ayadoo la adeegsanayo qalabkan:

B) Warbaahinta Danabeysan (Elektrooniga): sida, Raadiyaha, Telefiishanka, (cable Television) iyo internetka; iyo
T) Saxaafadda Daabacan: Wargesyada, Joornaallada (todobaadle, bille ama Sanadle), Tabeellayaasha ama bulatiin.
Saxaafad Guud: Saxaafadda Guud waxay u qeybsan tahay hababka soo socda marka loo tixgelinayo ama loo cuskanayo sharcigan:

B) Warbaahin Qaran: Waa saxaafadda ay maamusho isla markaana maalgaliso Dawladda;
T) Warbaahin Gaar ahaaneed: Waa saxaafadda mulkiilaha yahay shakhsi gaar ah, urur siyaasadeed, urur dhaqaale ama urur bulsho; iyo
J) Warbaahin Dadweyne (Public Broadcasting): Waa saxaafad ay milkiyaddeeda leedahay bulshadda oo aan faa’iido doon ahayn, taasoo danta guud loogu adeego isla markaana dhaqaale ka hesha Dawladda ama deeq ay siiyaan dhinacyo kale.

Suxufi: Waa qof xirfadyahan ah oo soo saara, soona bandhiga wax-soo-saar daabacan ama la baahinayo ayadoo la adeegsanayo aaladaha kala duwan ee warbaahinta.

Madbacad (Printing House): Waa hannaan ku dhisan ganacsi iyo farsamo oo qabata adeegyo daabacaadeed.

Milkiile Goob Daabacaad (Daabace): Waa qofka milkiilaha ah ama wakiilka goobta daabacaadda.

Faafiye (Publisher): Waa milkiilaha ama qofka haysta ruqsadda lagu daabaco buugag ama qoraalo aan waqti xadidan aan laheyn.

Faafin (Publishing) : waa hawsha gudbinta wararka iyo farriimaha loo adeegsado qalabka warbaahinta

Shirkad soo saarta Filimada (Movie Production Institution): Waa shirkad ama urur
soo sameeya filimo, dokumentari ah ama sawiro ku saleysan ama ka tarjuma hadafka iyo ujeeddadooda.

Shirkad Daabacaad: Waa goob sharciyeysan oo soo saarta qoraal isla markaana baahisa barnaamijyo qoraal ama elektroonik ah oo xiliyo kala duwan soo baxa.

Machadka Tababarka Saxaafadda: Dugsi Tababar Saxaafadeed waa dugsi bixiya tababar xirfadeedyo saxaafadeed oo leh kuwo soconaya muddo gaaban ama muddo dheer.

Xarun Tarjumaad: Waa goob sharciyeysan oo ruqsad u haysata tarjumaadda qoraallo ku qoran luuqado kala duwan.

Wakaalad Warar: Waa hay’ad sharciyeysan oo ururisa isla markaana faafisa wararka.

Shirkad Xayeysiin: Waa shirkad ganacsi oo haysata oggolaasho sharci ah soona saarta xayeysiin sida ku xusan sharciga loogu oggolaaday.

Xuquuqda Daabacaadda (Copy Right): Waa lahaanshaha fikirka ama hal abuurka maskaxeed ee gaarka loo leeyahay kaas oo lagu maamuli doono hab la isla oggolyahay oo si gaar ah loo nidaaminayo.

Tafatire Guud (Editor-in-Chief): Waa qofka mas’uulka ka ah maamulka daabacaada iyo soo-saarka barnaamijyada elektrooniga ah ee

Raadiyo: Waa warbaahin guud oo maqal ah

Telefishan: Waa warbaahin guud oo muuqaal iyo dhageysi leh

Cable Network: Waa warbaahin maqal iyo muuqaal ah oo baahisa barnaamijyo maxalli, caalami, waxbarasho, dhaqan iyo madadaalo oo loo tebiyo cidda dalbata.

Xayeysiin (Advertisement): Waa adeegga maqal ama muuqaal ah oo lacag lagu kala bedesho ama khitmad kale laguna soo saaro barnaamij qoraal ama baahin.
Deeq (Donation): Waa tabaruc nooc kasta oo taakulayn ah, mid dhaqaale ama dhiiri-gelin saxafadeed oo uu bixiyo shakhsi ama hay’ad.

Qodobka 2aad
Dhismaha Xeerkan

2.1 Xeerkan waxaa lagu dhisay si waafaqsan Qodobka 18aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Qodobka 19aad ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, kuwaas oo damaanad qaadaya ilaalinta xorriyadda aragtida iyo hadalka isla markaana wuxuu nidaaminayaa dhammaan hawlaha warbaahinta dalka.

Qodobka 3aad
Xorriyadda Saxaafadda

3.1 Saxaafaddu way u madax-banaan tahay fulinta hawlaheeda saxaafadeed ama warbaahineed ee noocyada kala duwan.

3.2 Xorriyadda hadalka iyo fikirka waxaa loo fulinayaa sida ku xusan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya (Qod. 18aad) oo qeexaya xorriyadda ra’yiga iyo afkaarta, axdiyada caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo goboleed ee Soomaaliya ay qaybta ka tahay.

3.3 Dhammaan warbaahinta gaarka ah ama tan dadweynaha wararkooda faaf- reeb laguma sameyn karo, lagumana khasbi karo faafinta warar u daneynaya dhinac gaar ah.

3.4 Haddii xarun warbaahineed ama suxufi lagu helo fal ku saleysan baahinta arrimaha hoos ku qoran:

B. Baahin warar been-abuur ah;
T. Hurinta colaado;
X. Dacaayadda aan sal laheyn

Golaha Saxaafadda Qaranka waxay awood u leeyihiin:
1. Marka hore in ay digniin qoraal ah siiyaan xarunta warbaahineed ama suxufiga.
2. Marka xigta Goluhu wuxuu ku ganaaxayaa xarunta warbaahineed ama suxufigaas lacag u dhexeysa $500 - $1000. (Shan boqol ilaa kun Dollar).
3. Haddii xarunta warbaahineed ama suxufiga ay u hoggaansami waayaan go’aanka Golaha Saxaafadda Qaranka, waxaa kiiskooda loo gudbinayaa maxkadda awoodda u leh kiiska lagu eedeeyay.

Qodobka 4aad
Waxtarka Xeerka Saxaafadda

4.1 Xeerka Saxaafaddu wuxuu nidaaminayaa hawlaha kala duwan ee warbaahinta, mid dawlad leedahay ama mid gaar loo leeyahayba.
4.2 Xeerku wuxuu nidaaminayaa qaabka ay u wada shaqeynayaan Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga Saxaafadda Qaranka, ururrada saxaafadda dalka, suxufiyiinta iyo inta ay qusayso saxaafadda.

Qodobka 5aad
Ujeeddooyinka Xeerka Saxaafadda

5.1 Xeerkani wuxuu dejinayaa mabaadi’ siyaasadeed oo hagaysa warbaahinta, sida:
B. Hormarinta ixtiraamka xorriyatul qowlka iyo kala duwanaashada warbaahinta;
T. Dhiirigalinta iyo taageerida warbaahin gaar loo leeyahay oo noocyo kala duwan ah, lehna hal abuur; iyo
J. Hormarinta dhamaan seddaxda nooc ee warbaahinta (tan addeega dadweynaha, tan ganacsiga iyo tan bulshadda), iyo hormarinta adeegsiga tiknoolajiyadaha.
5.2 Sharcigu wuxuu damaanad qaadayaa jiritaanka qeybaha warbaahinta ee kala ah:
B. Warbaahinta Qaranka;
T. Warbaahinta gaarka loo leeyahay; iyo
J. Warbaahinta Bulshada (Public Broadcasting).
5.3 Sharcigu wuxuu sameynayaa qaab lagu qorsheynayo qaybinta hirarka ay dawladdu bixiso, si loogu addeegsado horumarinta kala-duwanaanta warbaahinta.
5.4 Xeerkani wuxuu dejinayaa hannaan cusub oo lagu bixinayo shatiyada warbaahinta cusub, iyo aqoonsiga iyo rasmiyeynta warbaahinta hadda jirta, si waafaqsan sharcigan.
5.5 Hanaankan waxuu noqonayaa mid ku saleysan qiimeyn lagu sameeyo codsiyada, wuxaa kale oo jiri kara codsiyo laga qabto kuwa mudan, gaar ahaan goobaha addeegooda warbaahineed uu hooseeyo (sida warbaahinta bulshadda).
5.6 Hannaanka Xeerkani wuxuu si cad u muujinayaa qaabka codsiyada loo maareynayo, xilliga kama dambeysta ah ee codsiga la qabanayo, waxa lagu qorayo codsiga iyo qaabka lagu qiimaynayo codsiyada.
5.7 Nidaamka codsadayaasha lagu kala siinayo shatiyada waxay n noqonayaan:
B. Awoodda rasmiga ah ee uu codsaduhu hawsha warbaahineed ku qaban karo iyo inta ay gaarsiisan tahay;
T. Kala-duwanaashaha uu addeega la codsaday u keenayo warbaahinta;
J. Baahida loo qabo in hannaanka ay ka mid noqdaan dadweynuhu; iyo
X. Cidda bixinaysa sharciga waa in ay soo bandhigtaa sababo qoraal ah oo ay ku caddeynayso go'aanka ay qaadatay, waana in uu jiraa xaqa rafcaan u qaadashada maxkamadda ee ku aaddan go'aanka.
5.8 Sharcigu wuxuu si cad u qeexayaa shuruudaha guud ee uu shati kasta wato (sida in shatiga aan la wareejin karin iyada oo aan marka hore oggolaansho laga helin maamulkii bixiyey).
5.9 Shuruucda warbaahinta waxay xeer-nidaamiye u sameyn kartaa lahaanshaha warbaahinno kala duwan.
5.10 Sharcigu wuxuu qeexayaa ciqaabaha ay mutaysanayaan kuwa jebiya shuruucda kala duwan ee ku aaddan ruqsada.
5.11 Waxaa loo oggol yahay in warbaahin gaar ahaaneed ama mid bulsho uu furan karo muwaadin kasta oo Soomaali ah, urur ama shirkad, haddii uu buuxiyo shuruudaha hoos ku xusan:
B. Daneeyaha doonaya in uu furto warbaahin waa in uu shati ka helaa Golaha Saxaafadda Qaranka si uu u furto nooc gaar ah oo warbaahineed, iyadoo shatigu qeexayo arrimaha ku saabsan nooca, awoodda, tayadda, qaabka shaqo, hirarka saxaafadda uu isticmaalayo ka hor hawl-galka; iyo
T. In qalabka uu keensanayo ama uu ku hawl-gelayo uusan ahayn mid wax u dhimaya degaanka iyo hab-sami ula-shaqeynta warbaahinta kale.
5.12 Xarumaha warbaahinta gaarka ah ee hadda shaqeeysa ee aan heysan shati waxay u baahan yihiin in ay soo weydiistaan ruqsad warbaahineed, iyagoo Wasaaradda Warfaafinta u soo gudbinaya codsiga shatiga, qaab-dhismeedka warbaahintooda, qalabka ay addeegsanayaan, mowjadaha ay ku shaqeeyaan iyo goobta ay ka hawl-galaan.
5.13 Ma shaqeyn karto warbaahin aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka 6aad
Golaha Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed

7.1. Waa in la sameeyaa Gole madax-bannaan oo aqoon u leh saxaafadda iyo sharciyada dalka u yaalla. Tirada Golaha waxey noqoneysaa 13 (Xubnood), xubnahaas oo loo qeybsanayo sida hoos ku qoran.
• Saxaafadda Madaxa bannaan 5 xubnood
• Wasaaradda Warfaafinta 5 xubnood
• Ururrada Bulshada Rayidka ah 3 Xubnood
7.2 Magaca Golaha waxa uu noqonayaa 'Golaha Saxaafadda Qaranka Soomaaliya', waxaana soo magacaabaya Wasaaradda Warfaafinta oo la tashaneysa saxaafadda madaxa bannaan.
7.3 Golaha ayaa noqonaya mid u madax-bannaan hawlaha warbaahinta dalka.
7.4 Golaha ayaa dhegaysanaya dacwadaha la xiriira warbaahinta qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba.
7.5 Awoodda Golaha waxaa kamid noqonaya:
B. Ilaalinta anshaxa iyo ku-dhaqanka xeerka saxaafadda Soomaaliyeed;
T. Dhex-dhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo saxaafadda gaar ahaaneed, midda dowladda iyo tan Adeegga Bulshadda;
J. Tala bixinta Siinta iyo kala-noqoshada ruqsadda warbaahinta.
X. Qabashada cabashooyinka ka yimaada suxufiga, warbaahinta, heyadaha dowladda iyo bulsho-weynta.

Qodobka 7aad
Ruqsadda Diiwaan-gelinta

Diiwaan-gelinta, Khidmadda, Milkiyadda, Maamulka iyo Mas'uuliyadda Diiwaan-gelinta:,
8.1 Warbaahin kasta, sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Shinimooyin, Dugsiyada tababarka saxaafadda, Shirkadaha xayeysiinta, iwm (ha ahaadeen qaar hadda shaqeeya ama kuwa cusub oo la furayo) waxaa laga doonayaa in ay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradda Warfaafinta.
8.2 Diiwaan-gelinta xarunta warbaahinta waa hal mar.
8.3 Xarunta warbaahinta waxaa laga doonayaa bixinta khidmad sanadeedka shatiga.

Qodobka 8aad

Khidmadaha

9.1 Warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay ama shisheeye, waxaa laga qaadayaa khidmad diiwaan-gelin iyo khidmad-sanadeed.
9.2 Suxufiyiinta shisheeye ee ka hawl-gala dalka, waxay ku shaqaynayaan shuruucda saxaafadda ee dalka u degsan.

Qodobka 9aad
Milkiyadda, Maamulka iyo Mas'uuliyadda
10.1 Warbaahin kasta oo si gaar ah loo leeyahay waxay lahaanaysaa milkiile loogu soo hagaago oo leh milkiyadeeda iyo maamule ka ma’suul ah hawl-fulinta.
10.2 Codsiga diiwaan-gelinta waa in lagu soo daraa warqadda lahaanshaha, magaca milkiilaha, degaankiisa, cinwaankiisa gaarka ah iyo nooca warbaahinta.
10.3 Codsiga waxaa lagu muujinayaa magaca, aqoonta iyo cinwaanka maamulaha.
10.4 Milkiyadda iyo maamulka warbaahinta waxaa isku qaban kara hal ruux.
10.5 Warbaahin kasta waxay yeelanaysaa cinwaan loogu soo hagaago sida cinwaan degaan, Sanduuq Boosto, telefoon lambar iyo e-mail.
10.6 Hay’ad warbaanideed lama diwaan-gelinayo haddii aysan soo dhammeystirin shuruudaha kor ku xusan.

Qodobka 10aad

Xilliga Ruqsad-bixinta

11.1 Warbaahinta soo buuxisa shuruudaha ku xusan xeerkan, waxaa la siinayaa ruqsad ay ku hawl-gasho muddo 30 casho gudahood ah.
11.2 Muddada la sugayo ruqsadda warbaahintu ma qaban karto wax hawl ah oo la xiriira adeegga warbaahinta.

Qodobka 11aad

Xallinta Cabashada

12.1 Haddii daneeyaha soo codsaday oggolaansho furasho warbaahin cusub ama cusbooneysiinta mid horay u jirtay uu ku qanci waayo go’aanka Wasaaradda Warfaafinta, codsadaha waxaa u furan in uu cabashadiisa u gudbiyo maxkamadda awoodda u leh dhegaysiga dacwadiisa.

Qodobka 12aad

Waayidda Ruqsadda Diiwaan-gelinta

13.1 Hay’adda warbaahineed ee hore loo siiyey ruqsad, lana diiwaan-geliyey, waxay waayi kartaa xaqa ruqsadda, haddii ay ku hawl-geli-weydo muddo 6 (lix) bilood ah ama hakad galo adeeggeeda muddo dhan 6 bilood ah, isla markaana xiriir la sameyn Golaha Saxaafadda Qaranka.

Qodobka 13aad

Tilmaamo Muhiim ah

14.1 Daabacaad kasta, sida wargeysyada (ha ahaado maalinle ama mid xilliyeed), website ama nooc waliba oo daabacaad warbaahineed ah, waxaa waajib ah in ay ka muuqdaan magaca, taariikhda daabacaada, tirsiga caddadka, degaanka, magaca maamulaha iyo tifaftiraha.
14.2 Wargeys kasta ee la soo saaro nuqulka (sample) ugu horreeya waxaa la dhigayaa Golaha Saxaafadda Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka 14aad

Wargelinta Is-bedelada


15.1 Is-bedel kasta oo ku yimaada milkiyadda, muuqaalka, awoodda iyo tayada warbaahin haysta ruqsad iyo diiwaan-gelin, mas’uulka hay’addaas wuxuu si dhaqso ah u wargelinayaa, Golaha Saxaafadda Qaranka si loo diiwaan-geliyo is-bedelka ku yimid muddo 21 maalmood (maalmo shaqo) gudahood ah.
15.2 Is-beddel kasta oo lugu sameynayo milkiyadda ama magaca warbaahinta waxaa lugu wargelinayaa Wasaaradda Warfaafinta, Golaha Saxaafadda Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka (haddii dacwadi jirto) si loo diiwaan-geliyo is-beddelka ku yimid hay’adda warbaahineed.
Qodobka 15aad

Anshaxa Saxaafadda

16.1 Sharciga Saxaafaddu wuxuu ku salaysan yahay mabaadi’ida dastuurka Qaranka.
16.2 Ururrada saxaafadda dalka waxay diyaarinayaan anshaxa saxaafadda, kaas oo dejinaya qodobada la xiriira arrimaha ay ka mid yihiin:

B. Qadarinta Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed;

T. Saxnimada iyo sugnaanta wararka iyo barnaamijyada, iyo ilaalinta ilaha qarsoon ee macluumaadka bixiya;

J. Ka-fogaanshaha faafinta ama daabacaadda muuqaallada iyo sawirrada lagu muujinayo cawrada aadanaha.

X. Ilaalinta xaquuqda caruurta, sida in aan lugu takrifalin muuqaallada muujinaya daruufaha gaarka ah ee caruurta iyadoo aan oggolaansho rasmi
ah laga haysan cidda ka mas’uulka ah?

KH. Ixtiraamida noolasha gaarka ah ee qofka, marka laga reebo xaalladaha lagu dhawrayo danaha guud dadweynaha.

D. Ka-fogaanshaha faafin muuqaalo naxdin leh sida jirka bani-aadamka oo la googooyey, fara-xumeyn iyo sawirro argagax ku abuuraya bulshadda.


Qodobka 16aad

Warbaahin aan Sharciyeysnayn


7.1 Cid kasta oo furata ama hawl-gelisa warbaahin aan haysan oggolaansho iyo diiwaan-gelin rasmi ah, waxaa laga xirayaa warbaahinta, waxaana la horgeynayaa maxkamad, si sharciga loo mariyo.

Qodobka 17aad

Wax-ka-bedel Sharci-darro ah

18.1 Hay’addii warbaahineed ee si ku-talo-gal ah u soo saarta wargeys ama daabacaad aan ku salaysnayn sida Dawladda u diiwaan-gashan, iyadoo aan loo oggolaan is-beddelkaas, Golaha Saxaafadda Qaranka waxa uu ku ganaaxayaa lacag dhan $ 1000 (Kun Dollar).

Qodobka 18aad

Ruqsad Been-Abuur ah

19.1 Warbaahin kasta oo ka been abuurta ruqsadda diiwaan-gelinta ama sameysa qoraal lid ku ah sharuudihii ruqsadda lugu siiyey, Golaha Saxaafadda Qaranka waxa uu ku ganaaxayaa lacag dhan $ 1000 (Kun Dollar).
.
19.2 Warbaahinta ay ku caddaato xad-gudub (ruqsad been-abuur) waxaa la hakinayaa hawlaheeda ilaa ay ruqsad rasmi ah ka hesho.

Qodobka 19aad

Faafin Macluumaad Been ah

20.1 Waxaa reebban faafinta warar been iyo dacaayad lid ku ah sharafta muwaadin, shakhsiyaad, hay’ad ama dawlad, iyadoo Warbaahintii falkaas ku kacda ay laga doonayo:

B. In ay raali-gelin qoraal ah iyo saxid ka bixiso gefkeeda, kuna faafiso (qormada 1aad ee bogga hore) ee lagu daabacay ama isla barnaamijkii warbaahinta laga sii daayey warka, iyadoo raali-gelintaas ku sameynaysa muddo aan ka badnayn 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka ay cabashadaasi soo gaarto;

T. In ay u oggolaato muwaadinka ama hay’adda loo gefay in ay ka jawaabaan wararka ay u arkayaan in ay ku yihiin been-abuur ama sharaf-dhac lagu waxyeelaynayo muddo 48 saacadood ah, iyadoo aan wax sharuud ah lugu xirin, waxaana lagu jawaabayaa isla wargeyska, bogga iyo qormadii warka lagu qoray, ama warbaahintii laga sii daayey, iyadoo aan la kala dhantaalin nuxurkeeda, si ay u gudbiso macnihii ay ku dhisnayd jawaabtu; iyo

J. In haddii muwaadinka, hay’adda ama Dawladda lagu been abuurtay ama la sharaf dilay ku qanci waayaan raali-gelinta la bixiyey, waxay xaq u leeyihiin in ay ka dacwoodaan hay’addaha garsoorka soona bandhigtaan cabashadooda.

20.2 Warbaahinta waxaa ka reebban in ay faafiso gef ama meel-ka-dhac ka dhan ah qof dhintay ama qof aan dhimirkiisu dhammeyn oo aan is-difaaci karin, iyadoo haddii ay taasi dhacdo, faqrada 1aad, 2-aad ee qoddobkan ayaa dhaqan-gelaya, waxaana qaraabada qofka loo gefay u furan in ay ka dacwoodaan maxkamadda awoodda u leh.

Qodobka 20aad

Magdhaw

21.1 Qofka ama hay’adda meel-ka-dhac loogu geysto qalabka warbaahinta, ee ku qanci waaya go’aannada ay Golaha Saxaafadda Qaranka ku ridday xarunta warbaahineed waxaa uu xaq u leeyahay inuu ka dacwoodo maxkamadda awoodda u leh.

Qodobka 21aad

Faafin Khasab ah

22.1 Hay’adda warbaahineed ee lagu helo fal dambiyeed, laguna rido xukun ganaax ama magdhaw waxaa waajib ku ah in ay baahiso xukunka lagu riday, iyadoo haddii ay ka baaqsato fullinta arrinkan, Golaha Saxaafadda Qaranka waxey ku ganaaxeysaa lacag dhan $500 (Shan boqol oo Dolar).
Qodobka 23aad

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)

23.1 WWQS (SONNA) waa ururiyaha, gudbiyaha iyo qeybiyaha wararka Dawladda, sidoo kale SONNA waxay ururisaa oo ay baahisaa wararka kale ee dalka sida warbaahinta gaarka loo leeyahay.

23.2 SONNA waxay ka jawaabeysaa codsiyada iyo baahida xogeed ee warbaahinnada Dawladda, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa caalamkaba.

23.3 SONNA waxay xaq u leedahay soo-xigashada wararka wakaaladaha caalamka iyo warbaahinada gaar ahaaneed ee gudaha iyadoo xuseysa magaca warbaahinta ay soo xigatay.

23.4 SONNA waxaa la hawl-gelaya warbaahinno dawladeed sida idaacado, wargeysyo, talefishino, website-yo, iwm, kuwaasoo soo bandhigaya warar, barnaamijyo, filimo iyo madadaalo ay kula tartami karaan warbaahinada gaarka loo leeyahay.

23.5 SONNA iyo warbaahinta kale ee dawladda waxay u madax-bannaan tahay mihnadeeda saxaafadeed, iyadoo dhawraysa anshaxa saxaafadda.

Qodobka 23aad

Adeegga Warbaahinta Dadweynaha

24.1 Xeerkani wuxuu xaqiijinayaa difaaca sharciyeed oo ay helayso warbaahin dadweyne (Public Broadcasting Service) oo u madax-bannaan tafaftirka wararkeeda.
24.2 Adeegga Warbaahinta Dadweynahu waa ka madax-bannaan yahay danaha Dawladda iyo shirkadaha ganacsiga, iyadoo taas lagu gaari karo in la magacaabo guddi adeegga Warbaahinta Dadweynaha, kana xor ah faragelin siyaasadeed iyo mid ganacsi.
24.3 Adeegga Warbaahinta Dadweynuhu waxay lahaanayaan madax-bannaani dhanka miisaaniyadda iyagoo aan ku xad gudbi karin dhaqaalaha loogu yabooho.
24.4 Dhamaan barnaamijyada waa in ay ahaadaan kuwo dhex-dhexaad ah, xorna ka ah u-xaglin siyaasadeed, oo aan buunbuunin u sameynayn xisbi siyaasadeed, hay’addaha Dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed, balse ka shaqaynaya oo oggolaanaya fikradaha guud ee dadka ku xiran warbaahintooda.
24.5 Barnaamijyada ka baxa warbaahinta dadweynaha waa in ay kala duwanaadaan oo ay isugu jiraan kuwo ka hadla arrimaha bulshadda iyo madadaalo, waxbarasho loogu tala-galay qeybaha kala duwan ee bulshadda, kana haqab-tiraya baahidooda saxaafadeed.
24.6 Barnaamijyadu waa in ay ku dhiiri-geliyaan una fududeeyaan muwaadiniinta ka qeyb qaadashada hannaanka dimuqraadiyada, maamul wanaaga iyaga oo la siinayo macluumaad wax-ku-ool ah, sax ah, oo waqtiyeysan, kuna aaddan arrimaha taagan oo ay danta shacabku ku jirto.
24.7 Barnaamijyada waa in ay ku jiraan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sayniska, caafimaadka, waxbarashada, diinta Islaamka, cayaaraha, bulshadda, dhaqanka iyo wararka gudaha iyo dibabadda.
24.8 Warbaahinta Adeegga Bulshadda, marka laga reebo wararka iyo macluumaadka kale, waa in ay samaysaa madadaalo hal-abuur leh, si ay ula tartanto warbaahinta ganacsiga ku dhisan.
24.9 Barnaamijyadu waa in ay muujiyaan dhaqanka Soomaaliyeed, una soo bandhigaya caalamka.
24.10 Inta ay saamaxayso farsamada iyo tiknoolajiyada hadba la heli karo, Warbaahinta Addeega Bulshaddu waa in ay qiimo la awoodi karo ku gaartaa dhammaan shacabka, oo aysan jirin koox gaar ah oo ka reeban in ay ka faa'iidaystaan.
24.11 Warbaahinta Adeegga Bulshaddu waa in ay dhiiri-gelisaa, horumarisaa qaabka maqalka iyo muuqaalka ah, iyadoo la addeegsanayo tiknoolajiyadda cusub si ay u ballaariso gaaritaankeeda dadka ku xiran.
24.12 Maadaama Warbaahinta Adeegga Bulshadda ay tahay mid madax-bannaan oo dhex-dhexaad ah, lacagaha ama tageero nooc waliba ah oo ay dawladdu siiso waa ka madax-bannaan yihiin ujeeddooyin siyaasadeed iyo faragalin kale.
24.13 Waxaa jira qaabab badan oo ay Warbaahinta Adeegga Bulshadda lacago ku heli karto, waxaana ka mid ah:
B. Taageerada dowladda iyo taburrucaad shuruud la’aan ah oo ay ka helaan shakhaiyaad ama hey’ado.
T. Inta badan warbaahinta Addeega Dadweynaha ayaa gal-gal lacag la’aan ah ama raqiis ah u leh helitaanka hirarka (Frequencies).

Qodobka 24aad

Suxufi

25.1. Suxufi waxaa noqon karo qof kasta oo Soomaali ah oo ugu yaraan heysta shahaado dugsi sare oo sax ah lehna xirfad saxaafadeed ama qof ku dhex jiray mihnadda saxaafadda saddex sandood iyo ka badan.
25.2 Shaqaalaha kale ee ku hawlan saxaafadda iyo warbaahinta oo ah waayo-arag ama farsamo-yaqaan waxay ka tirsan yihiin bahda saxaafadda, waxaana xil ka saaran yahay in ay dhawraan asluubta iyo anshaxa saxaafadda.
25.3 Hawl-wadeenada saxaafadda ee ku xusan faqrada 2aad ee isla qodobkan waxaa la siinayaa dhawrista suxufiga oo kale.
25.4 Tixgelinta heerarka xirfadeed ee saxaafadda waxay kamid yihiin waajibaadka warbaahinta.

Qodobka 25aad

Waajibka Suxufiga iyo Hay'addaha Saxaafadda

26.1 Suxufigu waa in uusan ku xad-gudbin xuquuqda qofka, hay’addaha, goobaha cibaadada, shuruucda dalka, diinta Islaamka.
26.2 Suxufigu waa in uu dhawraa sharafka, lahaanshaha gaar ahaaneed, xuquuqda iyo karaamada dadka uu wararka ka qaadayo isaga oo muujinaya qadarin.
26.3 Suxufiga waxaa ka reeban in uu dheef ku helo xog ama sawiro gaar loo leeyahay.
26.4 Suxufiga waxaa u bannaan in uu soo bandhigo xogaha la xiriira fal-dembiyeed dhacay, haddii haddii uu hayo dacceyn ku filan.
26.5 Mas’uuliyiinta warbaahineed iyo weriyeyaasha waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay hubinta in wararka iyo barnaamijyada ay baahinayaan ay yihiin kuwo xaqiiqada ku saleysan.
26.6 Hadii warbaahintu ama weriyuhu uu helo war uu qarsoon yahay qofkii sheegay, waa in ay qiimeeyaan kalsoonida lagu qabi karo ilo wareedka iyo ujeeddada wartebiyuhu isu qariyey.
26.7 Haddii ay warbaahintu u aragto in is-qarinta wartebiyaha ay u wanaagsan tahay ammaanka ilo-wareedka iyo tan qaranka,waa ay sii dayn karaan warkaas, lagamana doonayo in ay shaaciso wartebiyaha iyo goobta laga helay xogta, marka laga reebo:
B. Haddii macluumaadka laga helayo ilo-wareedka uu keenayo natiijo aan meel kale laga heli karin, isla markaana ay maxkamad soo codsatay ilo wareedka. Haddii ay arrintaasi dhacdo, ilo wareedka waxaa lagula kulmayaa meel dahsoon.

Qodobka 26aad

Xuquuda Suxufiga

27.1. Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo amnigiisa, sharafkiisa iyo in uu u soo bandhigo xaqiiqada si xor ah.
27.2 Suxufigu wuxuu mudan yahay in la siiyo wararka uu u baahan yahay haddii aanay jirin sabab maan-gal ah ah oo diidaysa.
27.3 Dawladdu waa in ay Suxufiyiinta u fududayso fursado tababbaro aqooneed oo la xiriira mihnadooda shaqo.
27.4 Milkiileyaasha qalabka warbaahinta iyo warfidiyeenadu, waxay yeelan karaan ururo u gaar ah oo ay ku midaysan yihiin si ay u difaacaan danahooda.
27.5 Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah, waxay ilaalinayaan xuquuqda suxufiyiinta iyo farsamo-yaqaanada u shaqeeya dhinaca arrimaha:
B. Heshiiska shaqa-qorista;
T. Saacadaha shaqada;
J. Fasaxyada; iyo
X. Shaqo-ka-tagista (ruqsadda), iwm.
27.6 Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah, suxufiyiinta iyo farsamo-yaqaanada warbaahinta, waxay raacayaan xeerka shaqada iyo shaqaalaha gaarka ah ee dalka.
Qodobka 27aad

Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha

28.1 Warbaahinta waxaa waajib ku ah in ay ixtiraamto ilaalinta xaqa lahaanshaha, sida ku xusan shuruucda caalamiga ah, oo ay kamid tahay 'fasax ka helidda qofka leh xaqa lahaanshaha ka hor inta aan la isticmaalin', iyada oo la xusayo lahaanshaha asalka ah ee qoraalka ama sawirka la xiganayo.
28.2 Isticmaalka iyo amaahashada xog ama ra’yi la soo min-guuriyey waxaa la xusayaa qofkii curiyey xogta la xiganayo, waxaana reeban in la soo minguuriyo xog aan la xusin ciddii curisay.
28.3 Waxaa reebban in la daabaco ama la badiyo qoraal, suugaan, sawiro, filim, iwm oo aan oggolaansho looga haysan curiyaha ama soo-saaraha.
28.4 Haddii aan la dhawrin xuquuqda lahaanshaha ee sare ku xusan, qofka leh xaqa lahaanshaha ayaa dacwad ka furan kara maxkamad awoodda u leh.

Qodobka 28aad

Dhawrista Xeerkan

29.1 Eedeymaha la xiriira warbaahinta waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Golaha Saxaafadda Qaranka, Ururrada Saxaafadda Soomaaliyeed; waxaana dacwadaha la horgeynayaa maxkamadda awoodda u leh.


Qodobka 29aad

Baabi'in

30.1 Xeerkani waa xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Suxufiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la baabi'iyey xeer kasta oo saxaafadeed oo ka soo hor-jeeda ama aan la socon karin xeerkan.

Qodobka 30aad

Dhaqan-gal

31.1 Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.

MAHADNAQ

Waxaa halkan looga mahad celinayaa guud ahaan intii gacan ka geysatay qoraalka iyo dib u eegidda xeerkan. Waxaa sharaf iyo mahadnaq gaar ah mudan Guddigii Xeerka Saxaafadda oo waqti dheer iyo dadaal badan ku bixiyay qoridda iyo habeynta xeerkan.
Xubnaha Guddiga

1. C/laahi Colaad Rooble________________________ (Gudoomiuye)

2. Ismaaciil Sheekh Khaliifa______________________ (Gudoomiye ku xigeen)

3. C/raxmaan Yuusuf Sheikh (Al-Cadaala) _________(Xubin)

4. Muno Cumar Xasan ________________________ (Xubin)

5. Cabdi Xaaji Goobdoon_______________________ Xubin)

6. Xuseyn Xaaji Jaabir ________________________ (Xubin)

7. Faarax Cabdi Wasame ______________________ (Xubin)

8. Maxamed Ibaarhim Bakistan ________________ _ (Xubin)

9. Cisman C/laahi Guure _______________________ (Xubin)

10. Liibaan Cabdi Warsame _____________________(Xubin)

11. Malyuun Sh Xeydar ________________________ (Xubin)

12. C/rasaaq Jaamac Cilmi _____________________(Xubin)

13. Nimca Xasan Cabdi ________________________ (Xubin)

14. C/Qaadir Axmad Jimcaale ___________________Xubin)

15. Farxiyo Maxamed Qeyre ____________________(Xubin)

16. Maxamed Isxaaq Mursal___________________ (Xubin)





Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS