July, 15-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Ciidamadii Ethopiya ayaa maanta baneeyay xarumihii ay kaga sugnaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta Bay,waxana la wareegay xarumahaasi ciidamada AMISOM.




Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM oo wata gawaarida qafilan iyo kuwa dabaabaadka ayaa la wareegay xarumihii Ciidamada Itoobiyaanka kaga sugnaayeen gudaha iyo daafaha magaalada.


Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen ciidamada oo fariisimo ka sameysanayay Warshadii Xasey ee ahaa fariisimaha ugu weyn ay lahaayeen Itoobiyaanka, sidoo kale waxaa ay degeen Madaxtooyada Baydhabo, koontaroolka laga soo galo iyo baro muhiim ah.


Afhayeenka Ciidanka ka socda midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada Ethopiya ay gabi ahaanba ka baxeen magaalada Baydhabo.


Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay jireen wada hadalo socday oo ku aadanaa sidii ay ciidamada AMISOM ula wareegi lahaayen amaanka gobolka Bay.


Ciidamada ay Ethopiya ayaa magaalada Baydhabo uga sugnaa meel ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha iyo warshada Xaseey.


Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6244
LATEST NEWS