July, 13-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddiga Soomaaliga ee New Deal oo u qaabilsan diyaarinta shirka Brussels ee 16ka September 2013. Waxaa kulankan goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamud Xasan Suleebaan iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mahdi Maxamud Cali iyo xubnaha guddiga New Deal.






Madaxweynaha ayaa guddiga kula dardaarmay sidii qorshaha qabanqaabada shirka 16ka September uu u noqon lahaa mid heer sare ah oo dhammaan dokumentiyada la horgeynayo shirka ay noqdaan kuwa lala tashtay shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa guddiga ku yiri “Waa in isbedel dhab ah uu ka muuqdaa hab-dhaqanka dowliga ah oo maanta oo aan heysanno dowlad rasmi ah waa in qorsheyaasha la idiin igmaday ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad si heer sare ah isu abaabushaan si shirkaas uu u noqdo mid guuleysta.


“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahanyahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo, iyadoo la tixgalinayo duruufaha qaaska ah ee gobollada qaarkood. Waana in guddiga uu si joogta ah u wargeliyaa shacabka si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u sugayaan.”


Wasiirka Maaliyadda & Qorsheyna Qaranka oo guddiga madax ka ahaa ayaa u ballanqaaday madaxweynaha inay dadaalayaan oo qorsheyaasha qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyey hay’adihii maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay kalsooni buuxda ugu qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.



Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS